WAR MURTIYEED: Siciid Dani & Axmed Madoobe Oo Xaqiijiyey Inay Imaanayaan Muqdisho

War murtiyeed laga soo saaray Shir Maalmahaan uga socday Garowe Madaxda Dawlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa looga hadlay Arimihii la isku afgartay.

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo Saxaafada la hadlay waxay sheegeen in ay kusoo wajahan yihiin Muqdisho sida lagu cadeeyey Qoraalka ay soo saareena ku muujiyeen in Madaxda Dawlada Dhexe iyo Kuwa Dawlad gobolleedyada ay Qadka Taleefoonka kuwada hadleen.

Waxay sheegeen in Shir ka dhacaya Caasiamda Muqdisho uu jiri doono oo Arimaha Doorashada laga wada arinsan doono.

War Murtiyeedka laguma xusin xilliga uu dhacayo Shirkaasi ay Madaxda Iskugu imaanayaan Magaalada Muqdisho.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply