Warar Sheegaya In Qofkii ugu Da’da Weynaa Dunida Uu Ku Dhintay Maanta….

Da’diisa ayaa aheyd 116 Sano waxa uu ahaa Koonfur Afrikaan,waxaana lagu sheegay inuu ahaa qofkii ugu da’da weynaa Caalamka waana uu dhintay sida ay Qoyskiisa shaaciyeen.

Firiidi Baloom ayaa dhashay 8 May Sanadkii 1904-tii oo laga joojo Hal Qarni iyo 16 Sano,waxaa Wakaalada Wararka AFP,ay sanadkaan u aqoonsatay ninka ugu da’da weynaa Dunida.

Warbaahinta Koonfur Afrika ayaana si cad ugu aqoonsaneyn qofka ugu weynaa Caalamka inuu yahay Firiidi Baloom .

Ninkaan ayaa dhalay Seddex Ciyaal ah,waxaa joogta Xaaskiisa oo 46 Sano Jir ah oo lagu magacaabo Jineete,waxaana uu ahaa Awoowe kan ugu yar shan jir ahaa Ciyaalka uu Awoowaha u ahaa.

Afhayeen u hadlay Qoyska Andre Naidoosayd ayaa sheegay in geerida Firiidi Baloom uu wadno xanuun ku beeray Qoyskooda.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply