Wararkii udambeeyey Qaraxyo Maanta Ka Dhacay Dalka Filibiin

Qaraxyo ayaa waxay maanta ka dhacay Koonfurta Dalka Filibiin,iyadoo Shan Qof ay ku dhinteen,iyadoo 17 Qof kale ay ku dhaawacmeen.

Maanta oo isniin ah ayaa qaraxyadaan ay dhaceen,iyadoo maleeshiyada Kooxda Abuu Sayaaf ay ubadan tahay inay weerarkaasi fuliyeen.

Shacab ayey ubadnaayeen dadka weerarkaasi ku waxyeeloobay sida Warbaahinta Dalkaasi ay tebiyeen.

Afhayeen uhadlay Ciidamada Meliteriga Oo Lagu Magacaabo Kabtan Rekis Baayoot ayaa sheegay in Qaraxaasi midkood uu saameeyey Bakhaar Cunto,Dukaan lagu iibiyo Kumbuyuutarada iyo Gaari oo Ciidanka lahaayeen oo kusugnaa Magaalada Joolo Ee Gobolka Suuluu.

Qaraxa labaad ayaa waxa uu ahaa mid jugtiisa uu xooganaa,iyadoo weli faah faahin aan laga helin khasaaraha iyo Waxyeelada Hantiyeed uu geystay.

Labo Sargaal oo katirsanaa Meliteriga ayaa la xaqiijiyey inay shanta qof ee dhintay ku jireen.

Wakaalada Wararka AP waxay sheegtay in Gaadiid Xamuul ah oo Ciidanka lahaayeen la qarxiyey.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply