Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Degmada Jamaame & Ciidanka Huwanta Oo Kaabiga ku Haya

Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland waxay sheegeen in Al Shabaab ay agabkoodii kala baxeen halkaasi.

Waxay hoosta ka xariiqeen in Ciidanka ay kusugan yihiin banaanka Jamaame oo ay gudaha ugeli doonaan.

Dadka ku dhaqan Jamaame waxay sheegeen inay arkayeen Al Shabaab oo la baxayey Alaabtii iyo Qalabkii ay halkaasi ku heysteen.

Maalmihii dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa Aagga Jamaame ka jiray,taas oo ciidanka Iskaabaya Ee Xoogga Dalka & Kuwa Jubbaland ay kusii dhawaanayeen.

Ma jirto weli Cid maamuleysa Jamaame oo Al Shabaab wey ka baxeen Ciidanka Huwantana weli ma gaarin.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply