WAREYSI DHAGEYSO: Diyaaradii Lagu Rasaaseeyey Maanta Qansax dheere Yaa Ka Dambeeyey?

Warar soo baxay ayaa sheegayey in la weeraray diyaarad agab usiday maanta degmada Qansax dheere Ee Gobolka Bay.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayey cida rasaasta ku furtay Diyaaradaan oo ukireysneyd Shirkada Salaam Air iyadoo markii dambe la ogaaday in Xubno katirsan Al Shabaab ka dambeeyeen weerarkaasi.

Markii hore waxaa la hadal hayey in ciidanka Itoobiya rasaas ku fureen balse Gudoomiyaha Degmada Qansax dheere C/risaaq Cabdi Daahir oo wareysi siiyey Idaacada Kaah ayaa sheegay in arintaas ay ogaadeen in Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku yimid degmada ay hujuumkaasi ka dambeeyeen.

Ma jirto war kasoo baxay Maamulka Shirkada Salaam Air oo diyaaradaasi ukireysneyd,iyadoo sidoo kale la sheegay in diyaarada dib loogu soo celiyey Muqdisho oo markii hore ka ambabaxday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA QANSAX DHEERE

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply