Wariye C/maalik Muuse Coldoon Oo Maanta Lasii Daayey

War deg deg ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta ku cafiyey Maxbuus C/maalik Muuse Coldoon,oo sanad kabadan ku xirnaa Xabsi ku yaalla Hargeysa.

Saxafiga C/maalik Coldoon ayaa waxa loo heystay Xad gudub qaranimada Soomaaliland iyo Jaa’ifeynta Madaxda Soomaaliland.

Waxa uu ahaa Samafale lagu bartay u gar gaarida Shacabka Dhibaateysan,waxaana la sugayaa warbixinta uu soo bandhigo intuu xirnaa.

Inkastoo Sanado Ku Xukunaa hadana Cafis Madaxweynaha Soomaaliland ayaana la sheegay in lagu sii daayey.

Dhawaanahaan waxaa soo badanayey Dalabka loo gudbinayey in lasii daayo Wariye Coldoon iyadoo ugu dambeyn maanta xoriyadiisa uu helay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply