Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Maaliyada XS Oo Kawada Hadlay Maalgalinta Waxbarashada Dalka…….

Wasiirka wasaarada Maaliyada XFS Cabdiraxman Ducaale Bayle Ayaa Gudoomiyay Kulan Gaar Ah Oo Looga Hadlayay Hormarinta Iyo Tayaynta waxbarashada Kaas Oo Udhaxeeyay Labada Wasaradood Ee Waxbarashada Iyo Maaliyada.

Kulanka Ayaa Intii Uu Soconayay Waxaa Si Gaar Ah Diirada Loogu Saaray Baahiyaha Waxbarashada Iyo Maalgelinta Joogtada Ah Oo Ay Ubaahantahay Wasaaradu.

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiiru-Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka & saraakiil sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan, Waxa aan ka wada hadalnay baahiyaha dhinaca waxbarashada ee Soomaaliya oo ay ka midtahay maalgelin joogto ah, maadaama Waxbarashadu ay tahay iftiinka Dadkeenna iyo horumarka bulshada.” Ayuu Yiri Wasiirka Malaiyada Cabdiraxman Ducaale Bayle.

Kulankan Ayaa Kusoo Adaya Iyadoo Dadaalada Hormarinta Dhanka waxbarashada Dalka Ay Maalmihii Danbe Waday Wasaarada Waxbarashada XS.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply