Wasiir Caafimaadka Dalka Sri Lanka Oo Laga Helay Caabuqa Covid19.

Wasiirka caafimaadka wadanka Sri Lanka, oo indhawaale ahi u ololeynaysay dawo dhireed la sheegay in lagu daweeyo ama looga hortago cudurka Covid-19, ayaa hadda laga helay fayraska cudurkaasi.


Pavithra Wanniarachchi ayaa jimcihii la soo dhaafay laga helay cudurkaasi, sida uu BBC u sheegay xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka.


Waxay in badan dhiirigelin jirtay isticmaalka sharoobo dhir laga sameeyay, oo uu soo saaray nin sixirrow ah oo sheegay in marka la cabbo sharoobadaasi ay ka hortageyso fayraskani inta ka hartay qofka noloshiisa.


Dalka Sri Lanka, inta la ogyahay cudurkan ayaa soo ritay 56,076 qof halka 276 qofna ay u dhinteen tan iyo billowgii faafitaanka cudurkan, waxaana bilihii la soo dhaafay soo badanayay dadka uu cudurkani soo ritay.


Xigasho :BBC Soomaalia.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply