Wasiir Katirsanaa Jubbaland Oo Isku Dhiibay Ciidanka Dawlada Ee Dooloow

Ilo madax banaan ayaa uxaqiijiyey Radio Kaah Ee Magaalad Muqdisho in Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Galabta isku dhiibay Dawlada Dhexe Ciidamadeeda kusugan Gobolka Gedo.

Ciidanka Dawlada Ee kusugan Dooloow ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen C/raxmaan Cawir oo muddooyinkii dambe saaxiib lahaa C/rashiid Janan.

Dhowr mar ayey Shaashada kasoo wada muuqdeen Wasiirka is dhiibay iyo Wasiir Janan,waxaana uu xitaa ahaa abaabulkii Dagaalkii dhacay xubnaha ugu madaxa fiiqnaa.

Kadib is fahmi waa soo kala dhex galay Wasiirka is dhiibay iyo Wasiir Janan ayaa waxa la tilmaamayaa in ugu yaraan ay xaaladu noqon karto mid saameyn kale abuuri doonta.

C/raxmaan Cawir ayaa sidoo kale meeshaas kaga tegay Xilkii Wasiirnimo uu hayey marba hadii uu ka wareegay dhinaca Jubbaland,hayeeshee weli Maamulkii uu Wasiirka u ahaa ma uusan ka hadlin Arintaan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply