Wasiirka Caafimaadka Israa’iil & Xaaskiisa Oo Corono Laga Helay

Sida ay Xaqiijiyeen Kooxda Qaabilsan ka warqabadka Caabuqa Corono waxaa laga helay Wasiirka Caafimaadka Israa’iil Yaakov Litzman & Xaaskiisa,kadib baaritaan lagu sameeyey.

Xalay ayaa la shaaciyey in Wasiirka iyo Afadiisa ay karantiil galeen,kadib markii lagu ogaaday in Cudurka ku dhacay.

Mr Litzmaan ayaa waxa uu yahay 71 Sano jir iyadoo Qolyaha Caafimaadka ay ku dedaalayaan baxnaaninta Wasiirka iyo Xaaskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dalbaday in dadka guryahooda ku sugnaadaan si looga hortego Cudurka Corono.

Wasiirkani uu hadda ku dhacay Caabuqa ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu badan ee shaqooyinkooda laba jibaaray si dadka loo wacyi geliyo howl maalmeedkiisana kusoo daray booqashada cusbitaalada iyo goobaha ay kusugan yihiin dadka Cudurka soo ritay.

Ilaa hadda waxaa la og yahay in Cudurka Corono Israa’iil ugu dhinteen 26 Qof sida ay Wasaarada Caafimaadka Dalkaasi shaacisey.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho Warbixinta: Wakaalada Wararka Anadolu Dalka Turkiga

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply