Wasiiro Arimo Dibadeedka Ruushka & Iiraan Oo Tegaya Maanta Dalka Turkiga

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Iiraan Maxamed Jafaad Shariif ayaa maanta oo Axad ah tegaya Magaalada Istanbul Ee Caasimada Ganacsiga Dalka Turkiga.

Waxa uu halkaasi kaga qeyb galayaa Shir Siyaasadeed dhinacyo kala duwan ka qeyb noqon doonaan,taas oo hadda faah faahino hordhac ah laga helayo.

Jafaad ayaa waxa uu la kulmi doonaa Dhigiisa Dalka Turkiga waa Wasiirka arimaha Dibada Maflaad Kafashaqlu,isagoo kala hadlaya Xiriirka sidii loo sii xoojin lahaa Labada Dal udhaxeeya.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Ruushka Serjeey Laafroof iyo Wasiirka Gaashaandhiga Ruushka Serjeey Shooygu ayaa iyaguna tegaya maanta Dalka Turkiga.

Wasiirka Arimaha dibada Iiraan ayaa Berri oo Isniin ah tegaya Magaalada Moscoow Ee Caasimada Dalka Ruushka.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply