Wasirka Arimaha Dibada Ciraaq Oo M/weynaha Cusub Marekanka Codsi Wadada Hadal ah u Diray.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ciraaq Fu’aad Xussein ayaa sheegay – maanta oo Sabti ah – in dalkiisu weydiisan doono maamulka Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Joe Biden, in ay magacaabaan koox wada xaajood ah

Kuwaasi Oo Kawada Hadli doono arrimaha amniga iyo militariga ee la xiriira joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.

Waxa Uuna HadalkaaN Ka jeediye Xarunta Nahrain ee Daraasaadka Istiraatiijiyadeed (dowladeed) ee caasimada, Baghdad,

Sannadkii 2014-kii, illaa 5,000 oo askari oo Mareykan ah ayaa la geeyay saldhigyo milatari oo ku kala baahsan Ciraaq, codsi dowladda ka yimid, oo qeyb ka ahaa isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallamaya ISIS, oo xilligaas qabsaday saddex meelood meel dalka.

Sanadihii la soo dhaafay, Mareykanku wuxuu kala baxay qeyb kamid ah ciidamadiisa Ciraaq, laakiin ma jiraan tirakoob rasmi ah oo laga heli karo tirada iyo qalabka ciidamada Mareykanka ee wali ku sugan dalka.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2020 ayaa Baqdaad iyo Washington waxay ku heshiiyeen in ciidamada Mareykanka laga saaro Ciraaq muddo 3 sano gudahood ah, sida uu sheegayo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqay booqashadii ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kazemi uu ku tagay Mareykanka.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa u codeeyay horaantii sanadkii hore in la joojiyo joogitaanka militariga shisheeye ee wadanka, kadib dilkii taliyihii ciidamada Quds ee Iran, Qassem Soleimani, iyo ku xigeenkii madaxa Hay’ada Abaabulka Caanka, Abu Mahdi Al-Muhandis, duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay agagaarka garoonka diyaaradaha Baqdaad.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply