Xaalada Caawa Dhuuso mareeb & Khasaaraha Dagaalkii Dhacay

Wararkii ugu dambeeyey Ee Caawa naga soo gaaraya Magaalada Dhuuso mareeb ayaa waxay sheegayaan in Dagaalkii halkaasi ka dhacay Galabta uu iskiis u joogsaday.

Ma jirto Xabad joojin lagu dhawaaqay iyadoo xilli walbo la filan karo in dhinacyada dagaalamay oo ay dib udagaalamaan.

Inta la og yahay 15 Qof ayaa ku dhintay Dagaalka iyo Dhaawaca oo intaas ka badan,Rayid iyo dhinacyadii dagaalamay ayeyna iskugu jiraan dadka waxyeelada soo gaareen.

Dirirta oo Xalay Saqdii dhex bilaabatay oo dhexmartay Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ayaa Barqadii istaagay iyadoo mar kale uu dib uqarxay,iyadoo gabal dhicii soo gaaray dagaalka Galabta,waxaana inkabadan 12 saac uu socday dagaalkaasi.

Hugunka Madaafiicda iyo jabaqda rasaasta kala duwan ayaana laga maqlayey Maanta dhowr saacadood,iyadoo Degmada Guriceel ay sidoo kale maanta dhinacyadaasi ku dagaalameen.

Sheekh Shaakir oo BBC SOMALI la hadlay waxa uu sheegay inay ka xun yihiin hubkii loo baahnaa Al Shabaab in lagu weeraro ay ciidanka Ahlusuna lagu soo hujuumo sida uu warka u dhigay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply