XAL LAGA GAARAY MALEESHIYAAD XOOLO DHAQATO AH OO KU DAGAALAMAY G/GALGADUUD….

Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay xalinta dagaal beeleed u dhaxeeyay dadka xoolo dhaqato ah oo ku soo laabtaan deegnada ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyeentaan ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay tageen deegaanada Daca dheer,Kaxan-dhaale iyo tuulooyin kale iyagoo dhex dhaxaadinaaya maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo isku heestay Daaqsin iyo meelaha biyaha laga cabo ee ku yallaa degaankaasi.

Ganeraal cabdi jaamac Cabdulle Ayaa sheegay in ay ku guuleysteen joojinta colaadaasi ka taagneed deegaanada galmudug,

Dadkaani xoolo dhaqatada ah ee dagaamalay ayaa waxa ay kasoo jeedaan deeganadaasi,Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in ay rajenaayaa in mardane deegaanadaasi ay colaad ugu dhaxeysa dadka xoola dhaqata ah in ay ku soo laaban.

Muddooyinkii u danbeeyay waxaa deegaanada Galmudug ka dhacayay Dagaal beeleedyo u dhaxeeyo dad  wallaalaha,Maamulka Galmudug iyo Dowlada FS ayaa waxa ay waddan dadaalo ay ku joojinayaan dagaaladaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply