Xarunta Turubataariyo Ee Ku Dhaw Dekada Muqdisho & Qaraxa lagu Weeraray

Weli waxaa yar in xog dhameystiran laga ogaado Qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Degmada Xamar Jajab Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loo adeegsaday,waxaana lagu weeraray Xarunta Ilaalinta Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed.

Turubataariyo ayaa la tilmaamay in dib udhis lagu sameeyey islamarkaana maanta lagu waday in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xariga ka jaro.

Gaadiidka Ambalaasta Ee Gurmadka deg dega ah ayaa weli daabulaya dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxa ka dhacay Agagaarka Dekada Muqdisho.

XIGASHO SAWIRADA: TELEFISHINKA UNIVERSAL

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply