Xildhibaan Goodax Barre Oo Ka Digay Cawaaqib Ka Dhasha Dhalinyaradi Tababarka Lo Qaaday…..

Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Waxbarashada XFS Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre Ayaa Si Adag Uga Hadlay warar Maalmihii Laso Dhaafay Laisla Dhexmarayaya Oo La Xiriiray In Dhalinyaro Somaaliyeed Oo Tababar Loogu Qaaday Dalka Ereteria Lagu Biiriyay Islamarkaana Ay ku Dhinteen Dagaalki Dhawaan Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Itoobiya Oo Udhaxeeyay Xisbiga TPLF Iyo Dawlada Federalka Dalakasi.

Goodax Barre Ayaa Arintaasi Ku Tilmaamay Khiyaano Qaran islamarkaana Ay Horistaagayso In Dhalinyarada Somaliyeed Ay Ku Dhiiradaan Difaaca Qarankooda Iyo In Walidiinta Somaliyeed Ay Uogalaadan Ubadkoda In Ay Tababar Uso Qaatan Difaca Dalkoda.

Madaxwayne Maxamed cabdullahi Farmaajo Iyo Taliyaha NISA Fahad Yasin Ayuu Sheegay In Ay Qaadaya Masuuliyada Wixi Ka Dhasha Arimahasi.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida, Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen.” Ayuu Ku yiri Qoraalkisa Wasiir Goodax.

Maalmihii Lasoo Dhaafay Waxaa Si Wayn Loo Hadal Hayay Wararka La Xiriira Dhalinyaradan Somaliyeed Inkasto Wrarakaasi Uu Gaashaanka Udaruuray Wasiirka Warfaafinta Cusman Abuukar Dubbe.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply