Xogahaye James Swan Oo Kulan Madaxtooyada Galmudug Kula leh M/weyne Qoor Qoor.

Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug Maanta ayaa waxaa gaaray Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan, waxaana soo dhaweeyay Diiran halkaasi ugu sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa la geeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, waxaana uu halkaasi kulan kula qaadanayaa Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa, iyadoo ay warbahinta dibada ay ka joogto.


Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu maalmihii la ina dhaafay uu waday dadaalo uu ku raadinayo in xal loo helo muranka doorashada, waxana uu garoowe & Baydhabo kula kulmay Madaxweynayasha labada Maamul halka Axmed Madoobe & xubnaha Midowga musharixiinta ay yeesheen kulan dhinaca khadka Internet-ka ah.


Waxaana Saacada soo Socda lagu wadaa in Mas’uuliyiinta galmudug iyo James Swan Ay warhaabinta ay kula hadli doonaan Gudaha Xatunta madaxtooyada Galmudug.

Wiixii Faah faahino ah lasoco Insha Allah.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply