Xoghayihii Hore Ee Qaramada Midoobeey Oo Da’da 100 sano Ku Geeriyooday

Madaxii Hore Ee Qaramada Midoobeey marna soo noqday Ra’iisal Wasaarihii hore Ee Peru Javier Pérez de Cuéllar ayaa waxa uu ku dhintay Da’da 100 sano jirka.

Wiil uu dhalay Mas’uulkaasi ayaa xaqiijiyey geerida aabihiis isagoo la hadlayey Raadiye Maxali ah waxaana Pérez de Cuéllar uu ku geeriyooday Gurigiisa oo Dalka Peru ku Yaalla.

Labo Jeer ayuu soo noqday Xoghayihii Qaramada Midoobeey.waxa uu kasoo shaqeeyey Nabadeynta Dalal ku yaalla Latin America, Africa, Asia iyo Bariga Dhexe.

Wuxuu Fure u ahaa Wada xaajoodka Xabad joojinta la kala dhex dhigay Iiraan iyo Ciraaq Sanadkii 1988,Kadib Dagaal 8 sano Labad Dal u dhaxeeyey.

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobeey Xilligaan António Guterres, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay war murugo leh kadib geerida soo gaartay Xoghayihii hore UN-ka.

Dhankiisa Madaxweynaha Dalka Peru Martín Vizcarra ayaa ku tilmaamay mid ka mid ahaa tiirarkii Qarankooda oo ay waayeen islamarkaana waddanka uusan ilaawi doonin Mr Pérez de Cuéllar ”

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: www.bbc.com/news/

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply