Xoogaga Ahlusuna Oo Hubkoodii Goordhaweyd Dawlada Ku wareejiyey

Sida aan xogta ku helnay waxaa lasoo sheegayaa in Xoogaga Ahlusuna ay Hubkoodii ku wareejiyeen Dawlada Soomaaliya kadib wada hadal dhacay.

Waxa la sheegay in Madaxda Ahlusuna ay ku dhawaaqeen inaysan dooneyn Nabad gelyo xumo ay deegaanka ka dhacdo ayna General Mascuud ku wareejiyeen Hubkoodii.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo saxaafada saaka la hadlay waxa uu sheegay in Culimada Ahlusuna ay raali ka yihiin Xasiloonida Magaalada lagu soo celiyo.

Sidoo kale waxaa Ciidamada Amniga Dawlada ay si buuxda gacanta ugu hayaan Magaaladaasi kadib 28 saac kudhawaad oo dhowr mar dagaalo ay Magaaladaasi ka dhaceen ilaa habeen Hore.

NAGA FILO WARAR DHEERAAD AH INSHA ALLAAH

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply