Xubin Katirsaneyd Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Oo Caawa La Dilay

Sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal waxaa Caawa fiidkii lagu dilay Degmada Yaaqshiid Xubin katirsanaa Howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Maryan Maxamuud Axmed oo ka mid aheyd Xubnaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaana la toogtay,iyadoo warar is khilaafsan kasoo baxayaan dilkeeda.

Marxuum Maryan waxaa dilkeeda la sheegay in Dableey Bistoolado watay ay ka dambeeyeen,inkastoo cid faah faahin badan bixisa la heynin.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa xaqiijisey geerida Maryan Maxamuud Axmed iyadoo tacsi ka dirtay dilkaasi loo geystay Marxuumadaas.

Waa Dilkii Labaad Ee Saacado gudaheed laga geysto Yaaqshiid,waxaa jirtay in saacad ka hor la dilay Askari katirsanaa ciidamada Dawlada isna lagu dilay Saacado ka hor Degmada Yaaqshiid.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply