Xuduuda Waddamada Turkiga & Giriiga Wadaagaan Oo Dib Loo Furi Doono

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Giriiga Kiyariyaakoos Mitisotaakis ayaa La yeeshay Kulan Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdugaan.

Wada hadalka ayaa ka dhacay Qadka Taleefoonka,iyadoo Labada Mas’uul ay Shalay Jimcihii sheegeen in Arimo badan kawada hadleen.

Kadib Bilo oo Xumaa Xiriirka Dalalkaan Deriska ah ayaa waxay Turkiga iyo Giriiga bilaabeen in lasoo celiyo Derisnimadii iyo Wada shaqeyntii Diblomaasiyada ee liidatay muddooyinkii dambe.

Waxay ka arinsadeen iska caawinta ka hortega Caabuqa Corono Virus Ee Caalamka meelo ka mid ah Aafeeyey.

Labada Hogaamiye waxay wada hadlkooda kusoo hadal qaadeen dib ufurista Xuduuda,si ay dalxiisayaasha labada dal isku gudbaan,oo loo qaado Xayiraadii iyo Bandowgii ka dhashay Covid 19.

Kulankii ugu dambeeyey ee dhexmaray Madaxdaan ayaa dhacay 25 December 2019-kii,todobo bil ka hor ayeyna aheyd.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply