Xukuumada FS Oo Ka Hortimid Go’aano Ka soo Baxaya Gudiga IGAD.

Wasiir warfaafinta xukuumadda soomaaliya Abuukar Cismaan Dubbe oo barqadii Maanta iskugu yeeray bahda warbaahinta islmarkaana kula hadlay xaruntada wasaarada Warfafinta ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee IGAD ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.


Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii Jabuuti ee IGAD in loo diro xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Jabhad laga aas-aasayo xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.


wasiirka ayaana Sheegay in soomaaliya ay fahjac iyo amakaak ku noqotay go’aanka gudiga ay soo saareen taasi oo ku tilmaamay mid aanan wanaagsaneen, Sidoo kalena xusay in ay dhinac u xagliyeen

Wasiirka Wasaarada Warfaafintya soomaaliya oo Sii hadalayay Ayaa waxaaa uu sheegay dhamaan qodobada ka sooxayna Gudiga xaqiiqa raadinta ee IGAD ay yihiin Mid ay qortay wasiirka Arrimaha dibada wadanka kenya,


Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply