Xukuumada Soomaaliya Iyo QM Oo ka Wadahadlay Qoondada Haweenka Doorooshinka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa la kulantay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire James Swan.Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa xusay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo amarro ka qaata Al-Shabaab, isla markaana uu maamulku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa odayaashaas.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, ilaalinta xuquuqda aadaha xilliga doorashada iyo Arrimo kale oo muhiim u ah iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifa Maxam iyo James Swan ayaa wada hadlay dardar gelinta shaqada xarunta u qareemidda Qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% oo dhowaan wasiirku xarigga ka jartay.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, xilli Wasaaradda haweenka waddo dadaalo ay ku xaqiijinayso qoonddada haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin Baarlamaanka 11 aad ee doorashadiisa loo madlan yahay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply