Yuusuf Garaad Cumar Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha…

Wasiirkii hore Ee Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Waxa Yuusuf Garaad muddooyinkii dambe uu ahaa mid aad ugu dhawaa Madaxtooyada Soomaaliya weliba Jaamacada Ummada Ee Dawlada Gacanta ku heyso ayuu Maadada Saxaafada udhigaa Kuliyada Saxaafada Ardayda dhigata.

11 Rag ah iyo Hal Haweeneey ayaa Gudiga la magacaabay ay ka kooban yihiin,iyadoo 12 Xubnood ay ka shaqeyn doonaan diyaarinta Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Gudigaan ayaa laga sugayaa inay soo gudbiyaa xilliga Caleemo saarka ku haboon yahay welibana ay dedajiyaan sida la sheegay Maalinta la qabanayo Xaflada.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply