Yuusuf Garaad Oo Aqbalay Hogaaminta Howshii Xalay Loo Igmaday

Habeenimadii Xalay ayaa Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dooran Ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) waxa lagu shaaciyey Gudi 12 Xubnood ah oo Yuusuf Garaad Gudoomiye looga dhigay.

Gudigaan ayaa howshiisa waxay tahay inay Xaflada Caleemo saarka Axmed Qoor qoor ka diyaariyaan islamarkaana ay soo gudbiyaan xilliga Howsha la qabanayo.

HALKAAN RIIX SI AAD U ARAGTO WARBIXINTII AAN XALAY DAABACNAY

Yuusuf Garaad ayaa maanta barqadii Qoraal uu soo dhigay Bartiisa gaarka ah ee Internet-ka waxa uu kaga hadlay sida uu u arko Howsha Loo igmaday inuu hogaamiye ka noqdo waana uu soo dhaweeyey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA YUUSUF GARAAD SOO SAARAY

Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga.

Madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug.

Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, hadba inta ay taagtu tahay, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo.

Talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug.

Ma ihi mana rabo in aan noqdo nin iskala weyn in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply